Spring til indhold

Somali

La talinta qaraabada/ehelka Degmada Odense.

La talinta qaraabadu waa barnaamij anfacaya qofka 18 jirsaday, degan Odense, qaraabana la ah qof dhibaato caafimaad jismiyan, maskaxiyan ama xaga bulsho ka haysato. waxa uu tusaale noqon karaa waalid, saaxiib, walaal ama xaas/lamaane wakhti adag la kulmay.

Haddii aad isku dhaw dihiin qof xaalad adag ku jira, aadna dareemayso inay ku saameynayso, waxad markasta la xidhiidhi kartaa la talinta qaraabada.

 

Wadahadal iyo la talin

Waxad fursad u helaysaa inaad wadahadal shakhsiyan la yeelato la talinta qaraabada. Wadahadalka waxa lagu saleynayaa xaaladaada. Hadafka wadahadalku waa, in wax kaaga cadaadaan dhbiiyooyinka iyo mushkuladaha aad dareemayso. Waxa kaloo talo lagaa siinayaa sidaad ula macaamili lahayd nolol maalmeedka hadaad qaraabo tahay.
Wadahadalku waa bilaash, waxana laguu qaban karaa turjumaan. Talabixiyaashayadu waa dad qarsoon, warbixintaadana ma isticmaalayno.

Kala xidhiidh la talinta qaraabada talefon: 63 75 75 70 ama mail: paaroerende.aehf@odense.dk